Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.
Kulan ay yeesheen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid yihiin ra’iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka caafimaadka Fowsiya Abikar Nuur, ayaa looga hadlay ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka.
“Si loo xakameeyo faafidda cudurka Covid-19, waa in wasaaradda caafimaadka ay qasab ka dhigto xirashada maaskaraha. Waa inay muddo laba todobaad ah karantiisho dadka ka soo safra UK, maadaama Soomaaliya aysan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay UK. Todobaadkan, laba qof oo UK ka yimid, lagana helay cudurka ayaa u dhintay,” sida u sheegay xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dalka ay keeneyso tallaalka si looga hortaggo cudurka.