Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dadka adduunka ayaa kor u kacday in ka badan 71 milyan oo qof sanadkii 2024, waxayna manata oo ah billowda sanadka cusub ee 2025 noqotay 8.09 bilyan oo qof, marka loo eego qiyaasaha Xafiiska Tirakoobka Mareykanka ee la sii daayay Isniintii.
Kor u kaca 0.9% ee 2024 wuxuu ahaa wax yar oo gaabis ah laga soo billaabo 2023, markii dadka adduunka ay kordheen 75 milyan oo qof.
Mareykanka ayaa koray 2.6 milyan oo qof sanadkii 2024. Dadka Mareykanka waxay maanta noqdeen 341 milyan oo qof, sida uu qabo Xafiiska Tirakoobka.