Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalabkii shirkadda TikTok ee ahaa inay meesha ka saarto sharci sheegaya in laga mamnuuco ama laga iibiyo Maraykanka laga bilaabo horraanta 2025 ayaa la diiday.
Shirkadda baraha bulshada ayaa rajaynaysay in maxkamadda rafcaanka federaalku ay ku raacdo doodda ah in sharcigu uusan waafaqsanayn dastuurka sababo la xiriira in uu keenayo “saameyn yaab leh” oo ku saabsan xorriyatul qawlka 170-ka milyan ee isticmaale ee Maraykanka kunool.
Laakiin maxkamaddu waxay taageertay sharciga, kaas oo ay tiri “wuxuu ahaa geba-gebadii tallaabo ballaaran oo laba geesood ah oo ay qaadeen Congress-ka iyo madaxweynayaashii kala dambeeyey”.
TikTok waxa ay sheegtay in ay hadda dagaalkeeda kadhanka ah kiiskan geyn doonto Maxkamadda Sare ee Mareykanka, oo ah hay’adda ugu sareysa sharciga ee dalka.
Mareykanka ayaa doonaya in TikTok la iibiyo ama laga mamnuuco sababtoo ah waxa uu sheegay in milkiilayaasheeda ay xiriir la leeyihiin dowladda Shiinaha.