Tijaabada talaalka Kansarka Maqaarka oo ka bilaabatay dalka Ingriiska.

0
82

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tijaabo muhiim ah oo ah talaalka MRNA oo ah kii ugu horeeyay adduunka ee nooca kansarka maqaarka ee dilaaga ah ayaa ka socota UK.

Steve Young, oo 52 jir ah, kana soo jeeda Stevenage, Herts, kaas oo burada kansarka laga soo jaray madaxa bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa ka mid noqday bukaannadii ugu horreeyay ee lagu tijaabiyey tallaalka.

Waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo habka difaaca jirkiisa in uu aqoonsado oo uu tirtiro unugyada kansarka ee haray Taas oo la rajeynayo in kansarku uusan soo laaban doonin.

Tallaaka, mRNA-4157 (V940), waxay isticmaashaa tiknoolojiyad la mid ah tan tallaallada Covid-ka ee hadda jira waxaana lagu tijaabiyay marxaladda ugu dambeysa ee tijaabooyinka

Dhakhaatiirta Jaamacadda University College London ayaa sheegay in bukaanada laga helay kansarka ay siinayaan daawo kale oo oo sidoo kale ka caawineysa habka difaaca inuu dilo unugyada kansarka.