Thomas Tuchel oo Qiray Dhibaatada Rashford La Kulmo Laakiin Difaacay Niyaaddiisa.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, ayaa ka hadlay walaaca ku saabsan bandhigyada aan joogtada ahayn ee Marcus Rashford uu ku muujiyo qaranka.

Rashford ayaa ka ciyaaray garabka bidix kulankii ay England 3-0 kaga adkaatay Andorra, isreeb-reebka Koobka Adduunka. Inkastoo guul la helay, hadana weeraryahanka Barcelona ayaa soo bandhigay ciyaar isku dhafan, taas oo dhalisay dhaleeceyn cusub oo ka timid taageerayaasha niyad-jabka ka qaba heerkiisa isbeddelka badan.

Tuchel oo la hadlay saxaafadda kadib ciyaarta ayaa qirtay in Rashford uu dhibaato ku qabo joogteynta qaab ciyaareedkiisa, balse wuxuu amaanay niyaddiisa iyo sida uu u tababarto.

“Waa run inuu dhib kala kulmo inuu sameeyo tiro fiican iyo bandhigyo ‘wow’ ah oo England ah,” ayuu yiri Tuchel. “Laakiin inta uu sidaas u tababaranayo, si fiican ugu dhaqmayo, uguna dhex firfircoon yahay kooxda, waxaan mar walba siin doonaa kalsooni, waanan taageeri doonaa.

Waxaan arkaa inuu isku dayayo wax cusub, taasna aniga waxey ii tahay tan ugu muhiimsan: inuu sii ahaado mid niyad wanaagsan leh, tababar kana u yimaado isagoo qoslaya oo faraxsan.”