Thomas Tuchel oo ka hadlay xaaladda dhaawacyada kooxda Chelsea kahor kulanka Southampton

0
330

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay kulanka ay kula ciyaarayaan naadiga Southampton horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa rajeyneysa inay sii wado natiijooyinkeedii wanaagsanaa tan iyo markii uu yimid Thomas Tuchel, laakiin waxay la ciyaari doontaa koox wanaagsan, taasoo ah Southampton oo ciyaareysa kubad heer sare ah, inkastoo Isbuucyo kahor ay la kulmeen guuldarro xanuun badan kulankii ay Manchester United kaga adkaatay 9-0.

Haddaba shirka jaraa’id uu ka soo muuqday Thomas Tuchel waxyaabihii uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa dhaawacyada kooxda wuxuuna yiri:

” Tammy Abraham waa diyaar, maanta ayuu tababar la qaatay kooxda, haddii ay wax walba si fiican u socdaan, wuxuu qeyb ka noqon doonaa liiska xiddigaha kooxda.”

“Thiago Silva wuu ka maqanyahay kulankan diyaar ma ahan, Christian Pulisic wuxuu qabaa dhaawac dhanka kubka ah waxaana jira shaki badan oo ku saabsan diyaar garowgiisa, laakiin Kai Havertz ayaa diyaar u ah kulanka.”

Intaas kaddib Thomas Tuchel ayaa ka hadlay arimo ku saabsan dhanka goolhayeyaasha, wuxuuna yiri:

“Ma garanayo, mana jiraan wax is beddelay illaa iyo hadda, Edouard Mendy waa goolhayaha koowaad ee kooxda wuuna u qalmaa, ma qarin kartid aragtidaada, arrimmuhu waa inay noqdaan kuwo cad oo aadan ka cabsanin inaad dhiibato aragtidaada.”