Thierry Henry oo ku riyoonaya inuu dib ugu laabto Camp Nou si uu Tababare ugu noqdo Kooxda Barcelona… (Muxuuse ka yiri Arsenal?)

0
188

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Weeraryahankii hore ee Kooxda Barcelona, Thierry Henry ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu maalin uun dib ugu laabto garoonka Camp Nou si uu tababare ugu noqdo.

Inkastoo rikoor aan fiicnayn uu haysto laga soo bilaabo tan iyo markii uu bilaabay xirfaddiisa kursiga keydka ee tababarennimo, Henry wuxuu qirtay inay tahay inuu is muujiyo si uu fursado uga helo kooxaha ugu waa weyn.

“Haddii aad i weydiiso miyaan riyoodaa, haa waan riyoodaa, laakiin marka aadan riyoonayn, waad soo jeeddaa waxaana jira xaqiiqo,” ayuu Henry ku yiri wareysi uu siiyay Four Four Two.

“Miyaan jeclaan lahaa inaan tababare u noqdo Arsenal? Haa. Miyaan jeclaan lahaa inaan aado Barcelona? Haa. Miyaan jeclaan lahaa inaan markale u ciyaaro Arsenal? Waxaan jeclaan lahaa inaan markale u ciyaaro iyaga, laakiin xaqiiqda ayaa ah ma awoodo!”

“Waxaan ku jiraa qalooca waxbarashadayda, waxaan rabaa inaan si fiican ugu sameeyo kooxda aan tababarayo, markaa waqtiga ayaa sheegi doona, haddii aadan guuleysan, mahelaysid noocyada fursadahaas.

“Waxaan kaliya diiradda saarayaa waxa aan xakameyn karo, inta soo hartayna waa wax ballaaran, miyaan jeclaan lahaa inaan u heeso sida Lionel Richie? Haa, laakiin uma heesi karo sida Lionel Richie!”

Mid kale oo ka mid ah kooxihiisii hore oo ah Arsenal ayaa sidoo kale ku jirta liiska kooxaha riyada u ah ee uu Henry jeclaan lahaa inuu maamulo.

“Dhageyso, haddii aad weydiiso taageere Arsenal ah haddii ay jeclaan lahaayeen inay tababare u noqdaan Arsenal maalin uun, waxay dhihi doonaan haa,” ayuu yiri Henry.

“Haddii aad weydiiso taageere Arsenal ah haddii ay jeclaan lahaayeen inay gool u dhaliyaan Arsenal, waxay ku oran doonaan haa, waxaan ahay taageere Arsenal ah.

“Sidaas darteed haddii aad i weydiinayso haddii aan maalin uun jeclaan lahaa inaan tababare u noqdo Arsenal, markaa haa, haddii aad weydiiso haddii maalin uun aan jeclaan lahaa inaan cawska ka jaro garoonka Emirates, waxaan ku dhayaa haa.”