Thiago Silva Oo Iska Tuuray Kabtannimada Chelsea Oo Garoonka Dhaxdiisa Loogu Xidhay – Muxuu Diiddan Yahay?

0
105

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Thiago Silva ayaa iska diiday inuu xidho calaamadda kabtanka Chelsea labadii kulan ee horyaalka Premier League ee West Ham iyo Luton Town oo midkood uu gacanta ugu xidhay Ben Chilwell, waxaana uu isku sii dhaafiyey ciyaartoy kale isaga oo ka furay gacantiisa bidix ee loogu xidhay.

Difaaca reer Brazil oo ah ciyaartoyga ugu khibradda badan Chelsea, uguna da’da weyn oo ah 38 jir ayaa waxa uu muddo 20 sannadood ah guulo waaweyn kasoo hoynayay horyaallada Brazil, Italy, France iyo England oo uu sannadkiisii saddexaad uga socdo.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan kabtanka cusub ee kooxdiisa u doortay Reece James kaddib bixitaankii Cesar Azpilicueta, waxaase dhaawac uu soo gaadhay difaaca England oo muddo garoomada ka maqnaan doona.

Waxa arrintan ay fursad u nqootay Ben Chilwell oo noqday kabtanka inta uu maqnaanayo Reece James, hase yeeshee isagana waxay dhibaato ka haysataa in uu dhamaysto 90ka daqiiqadood ee ciyaarta.

Kulankii Luton Town ee Jimcihii ayaa markii uu sii baxayay, waxa uu Chilwell kabtannimada ku wareejiyey Thiago Silva oo uu gacanta ugu xidhay, hase yeeshee laacibka reer Brazil ayaa isak furay oo u dhiibay Conor Gallagher, waana isla sidii uu sameeyey ciyaartii West Ham.

Falanqeeyeyaasha ciyaaraha ayaa ku doodaya in Thiago Silva uu ka cadhaysan yahay in kabtannimada lala garab maro oo loo dhiibo Reece James oo waliba kux-xigeenna looga dhigo Ben Chilwell, hase yeeshee Pochettino oo dhowaan la hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu u sharraxay Thiago Silva oo uu la fahmay, sababtana waxa uu ku sheegay inuu doonayo in ciyaartoy hadda iyo mustaqbalkaba ah uu xidho calaamadda kabtanka.