(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Liverpool ee Thiago Alcântara ayaa qirtay in bilowgiisii Reds ee xilli ciyaareedkii hore uu ahaa mid aad u adag.
30 jirkaan ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagii 2020, isagoo kaga yimid kooxda Bayern Munich, adduun lacageed dhan 22 milyan euro.
Thiago ayaa wareysi uu ku bixiyay Website -ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool, wuxuu ku sheegay:
“Ma aqaano haddii aan u tixgelin doono sanad waayo-aragnimo ah ee dalka England, sababa la xiriira caabuqa Korona awgiis, wax walba waa la xiray, sidaas darteed ma awoodin inaan ku raaxaysano joogitaanka waddanka,”
“Marka laga hadlayo Premier League, waxaan ku qaatay sanad tijaabinta sida loo tartamo iyo sida dhaqsaha badan ee loo ciyaaro, sida uu xaalku yahay had iyo jeer marka aad la qabsato.”
“Wuxuu ahaa sanad wanaagsan, laakiin bilowgii waxaan lahaa waqtiyo adag, waxaan dareemayaa inaan hadda ka adkaaday, waxaana sugayaa xilli ciyaareedkan.”
“Markii aan halkaan imid, run ahaantii si cad ayaan u caddeeyay waxa aan kooxda siin karo, iyo waxa ay kooxdu i siin karto.”