Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda dalka Thailand ayaa sheegtay in furuq daanyeerka Mpox lagu arkay qof u dhashay qaaradda Yurub balse toddobaadkii hore ka tagay Afrika.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa waaxda xakameynta cudurrada ee Thailand Thongchai Keeratihattayakorn.
Waxaa uu sheegay in qofka bukaanka oo 66 sano jir ah uu Thailand tagay 14-kii bishan balse lama shaacin waddanka ka tirsan Afrika ee uu ka tagay.