Thailand iyo Cambodia oo gaaray heshiis shuruud la’aan ah.

0
65

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa sheegay in dowladaha Thailand iyo Cambodia oo uu ciidamadoodu dhawaan dagaal dhex maray ay wada gaareen heshiis xabbad joojin oo degdeg oo shuruud la’aan ah.

Tallaabadan ayaa la doonaya in lagu xalliyo iskudhacyada saameeyay xuduudda labada waddan.

Waxaa maanta kulmay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah ee Thailand Phumtham Wechayachai iyo dhiggiisa Cambodia Hun Manet.

Waxay mas’uuliyiintan ku kulmeen hooyga rasmiga ee ra’iisul wasaaraha Malaysia ee magaalada Putrajaya.

Heshiiskan ayaa dhaqangalaya abaare saqda dhexe ee caawa.