Ten Hag Oo Toos U Sharaxay Sababata Guuldarradii Xilliga Dambe Kooxdiisa Man United Kasoo Gaadhay Arsenal

0
174

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa sharaxay wixii kooxdiisa ka qaldamay kulankii ay xalay guuldarrada 3-2 ah kala kulmeen kooxda hoggaank Premier League haysa ee Arsenal.

Ten Hag ayaa sheegay in xiddigaha kooxdiisu ay u baahan yihiin ay hab maskaxeedkooda bedelaan haddiiba ay doonayaan inay koobab ku guuleystaan.

Ten Hag ayaa ku sababeeyay guuldarradaas qaladaad isagoo qaba in dhammaan saddexda gool ee kooxdiisa laga dhaliyay laga hortagi karayay oo ay qaladaad ka yimaadeen.

“Malaha saacadaha soo socda ayaanu garan doonaa inaanu boos wanaagsan joogno, garan doonaa inaanu horumar wanaagsan samaynayno, nidaam wanaagsan balse wakhtigan waan cadhaysanahay, sidoo kale waxaan u sheegay ciyaartoyda haddii aynu doonayno inaynu koobab ku guuleysano waa inaynu bedelno hab maskaxeedkeena”.

“Macquul maaha kulan weyn ayaad ciyaaraysaa, waxaad samaynaysaa saddex qalad oo waaweyn oo ay goolal kaaga dhasheen, gaar ahaan goolka ugu dambeeyay, waa inaad dareento kulanka daqiiqadaas”.
“Dhibic ayaa ahayd waxa ugu badan kaddib waa inaad dhibicda qaadato, goolkaas ma bixin kartid adigoo heer sarre ka ciyaaraya sidii aanu u bixinay kaddib haddii ay sidaas tahay koobab kuma guuleysan kartid”.

Intaas kaddib tababaraha Dutch-ka ah ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inuu bedeli karo hab maskaxeedka xiddigaha kooxdiisa oo doonayo inuu kusoo celiyo u tartamista horyaalka oo ay mudo dheer la’ayd kooxdu.