Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada leeh xirfadaha kala duwan ee ku nool Degmada Dhoobley ayaa iskugu jira qaar ka soo baxay Jaamacadaha Dalka iyo kuwa wali aan heer wanaagsan ka gaadhin waxbarashada hadana waxa ay u muuqdaan inay kawada siman yihiin habka ay u wada raadasnayaan sidii ay nolol-maaleedkooda uga soo saari lahaayeen xirafadahaasi kala duwan.
Qaar kamid ah dhalinyarada ka shaqaysa Goobaha Sawirada lagu qaado ee Degmada Dhoobley ayaa sheegay in ay saamayn ku yeesheen Telefoonnadda casriga shaqadooda taasi oo ay aad u yaraadeen dadkii ugu iman jiray Goobahooda Shaqo.
Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku eegaya