Tartanka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo meel adag maraya.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saabtida maanta ah ayaa madaxda dalalka Afrika uu kulan-madaxeedkoodu ka bilaabanayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtida iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha, iyo ku xigeenka guddoomiyaha, ayadoo guddiga fulinta uu doortay komishanerrada uu golaha soo magacaabay.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.