Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Viktor Gyokeres ee Sporting Lisbon ayaa haatan hogaaminaya tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee Yurub xilli ciyaareedkan.
Gyokeres ayaa ku hogaaminaya 39 gool iyo 58.5 dhibcood kadib markii la soo gabagabeeyay horyaalka heerka kowaad ee Portugal.
Gyokeres waxaa ka dambeeya weeraryahanka Real Madrid Kylian Mbappe kaas oo xilli cigaareedkiisu dhamaan doono todobaadka dambe.
Goolkii Mbappe uu ka dhaliyay Sevilla Axadii, ayaa kor u qaaday goolashiisa La Liga 29, isagoo soo galay kaalinta labaad ee tartanka kabaha dahabka isagoo leh 58 dhibcood.
Kabtanka France ayaa heli doona hal fursad oo kama dambeys ah oo uu ku heli karo gool isla markaana uu kaga gudbi karo Gyokeres si uu ugu guuleysto kabaha dahabka ah xilli ciyaareedkan markaasoo Real Madrid ay martigelin doonto Real Sociedad Sabtida soo socota kulankooda ugu dambeeya ee La Liga.
Halkan kaga bogo tartanka kabta dahabka ee yurub.
Viktor Gyokeres (Sporting Lisbon): 39 gool, 58.5 dhibcood.
Kylian Mbappe (Real Madrid): 29 gool, 58 dhibcood
Mohamed Salah (Liverpool): 28 gool, 56 dhibcood.
Harry Kane (Bayern Munich): 26 gool, 52 dhibcood.
Robert Lewandowski (FC Barcelona): 25 gool, 50 dhibcood.
Mateo Retegui (Atalanta): 25 gool, 50 dhibcood.