Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Xeryaha Qaxotiga ee Dadaabka dadaab ee Kenya Lagu soo gabagayeyay Tartan ciyaarta kubada cagta ah oo ay ka qeeb galeen inkabadan 120 kooxaha kubada cagta oo ka kala socday xeryaha qaxotiga ee kala ah Ifo Dhagahley, Hagarder iyo Deegaannada Marti galiyay Qaxotiga ee Dadaab iyo Faafi.
ujeedka tartankan oo ay sidawadajir ah usoo qaban qabiyeen hay,adaha samafalka ah iyo hugaanka arururada dhalinyara ee xeryaha ayaa ahaa isdhaxgalka dhalinyarada deganka iyo kuwa qaxotiga ah waxaa sidoo kale dhalinyarada looga digay isticmaalka muqadaradka iyo inla duufsado.
Dhagaxley ayaa ugu dambayntii ku guulaysatay tartanka ayadoo rigooreyaal uga badisay degmada Faafi.