Talyaaniga oo billaabay in uu muhaajiriinta u tarxiilo Albania

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa Axadda maanta ah shaacisay in dalku uu dib u bilaabay ku wareejinta muhaajiriinta xarumo muran badan dhaliyay oo ku yaalla dalka Albania, kadib markii 49 magangalyo-doon ah loo qaaday dalka ay badda jaarka ka yihiin.

“Kaddib markii baaritaan lagu sameeyay xaaladaha dadka la soo qabtay, 49 muwaadin oo ajaanib ah ayaa lagu daabulay doonida Cassiopea, waxaana loo gudbiyay xarumaha ku yaalla Albania. Halkaas waxaa ka bilaaban doona habraacyada soo dhaweynta, xabsi ku haynta, iyo qiimeynta kiisaska shaqsiyaadka,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in 53 kale oo muhaajiriin ah ay soo bandhigeen baasaboorradooda, arrintaas oo dedejin doonta habsocodka kiisaskooda, isla markaana kordhin doonta suurtogalnimada in la masaafuriyo “kuwa aan xaqa u lahayn inay sii joogaan Midowga Yurub.”

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa heshiis la saxiixatay dhiggeeda Albania, Edi Rama, bishii November 2023-kii. Heshiiskaas ayaa dhigayay in laba xarumood oo Talyaanigu maamulo laga furo dalka Albania, kuwaas oo lagu deijin doono qaar ka mid ah muhaajiriinta ay mas’uuliyiinta Talyaanigu ka soo badbaadiyaan Badda Mediterranean-ka.

Xarumahaasi waxay howlgalkooda bilaabeen bishii October ee sanadkii tegay. Hase yeeshee, garsoorayaal ayaa diiday go’aan xabsi loogu taxaabay labadii dufcadood ee ugu horreeyay ee rag halkaas la geeyay, kuwaas oo dib loogu celiyay Talyaaniga.

Garsoorayaasha ayaa tixraacay xukun dhawaan kasoo baxay Maxkamadda Caddaaladda ee Midowga Yurub (ECJ), oo hadda lagu wado inay dib u eegis ku sameyso arrintan. Inta ay maxkamaddu go’aan ka gaareyso, waxaa la joojiyay wareejinta muhaajiriinta.

Sida dalal kale oo badan, Talyaanigu wuxuu soo saaraa liis loogu yeero “dalal nabdoon” oo muhaajiriinta ka yimaada si degdeg ah loogu eegi karo codsiyadooda magangalyo.

Kaliya ragga ka soo jeeda dalalkan nabdoon ayaa u qalma in la geeyo xarumaha ku yaalla Albania.

Hase yeeshee, garsoorayaashii hor istaagay wareejintii koowaad ee muhaajiriinta ayaa daliishaday xukun ay soo saartay Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub, kaas oo qeexaya in dalalka Midowga Yurub ay keliya u aqoonsan karaan dalal nabdoon dhammaan dalka, balse aysan aqoonsan karin qaybo ka mid ah waddan in ay nabdoon yihiin.

Liiska Talyaaniga waxaa ku jiray dalal ay ku yaallaan goobo aan ammaan ahayn.

Dowladda Ra’iisul Wasaare Meloni, oo ka jawaabeysa xukunka Maxkamadda, ayaa ansixisay sharci xaddidaya liiskeeda dalalka nabdoon oo ka dhigay 19 dal, halka markii hore uu ka koobnaa 22 dal. Waxa ay dowladdu ku adkaysatay in dhammaan qeybaha waddamadaasi ay yihiin kuwo nabad ah.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorayaal ayaa haddana diiday xabsi loo taxaabo dufcad labaad oo muhaajiriin ah – kuwaas oo ka koobnaa toddobo nin oo u kala dhashay dalalka Masar iyo Bangladesh – iyaga oo sheegay inay caddayn dheeraad ah ka sugayaan Maxkamadda Caddaaladda ee Midowga Yurub.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in dhegaysi hordhac ah oo la xiriira kiiskan ay Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub qorsheysay inay qabato bisha Febraayo ee soo socota.