Tallaallada ka hortagga Jadeecada iyo Shubanka oo laga furay degmooyinka gobolka Banaadir.

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay tallaallada cusub ee Jadeecada iyo Shubanka, kuwaas oo si bilaash ah lagu gaarsiin doono bulshada ku nool gobolka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo wakiillo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Madaxa Mashruuca Talaalka ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya, Dr. Mohamed Mohamud Derow, Dr. Ubah Farah, oo ka socotay hay’adda UNICEF, Wakiillo kale oo ka socday WHO iyo UNICEF.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya