Tallaalka Malaariyada oo laga bilaabay Gobolo katirsan dalka Nigeria.

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tallaalka Malariyada ayaa laga billaabay laba gobo loo katirsan dalka nigeria oo dhibaato weyn uu ku hayo xannunkan, kuwaas oo kala ah Bayelsa iyo Kebbi, wuxuuna qorshuhu yahay in la sii ballaariyo oo la gaarsiio qeybaha kale ee dalkaasi marka lagaaro sanadka soo socda.

Sanadkii 2022-kii, kiisaska malaariyada ee dalka Nigeria ayaa gaaray boqoliiba 27 halka boqolkiiba 31 ay u dhinteen xanuunkan, sida laga soo xigtay WHO, kiisaskaas oo ay u badnaayeen dadka nugul sida haween xaamilo ah iyo carruur ka yar shan sano jir.

Kiisaska dhimashada guud ahaan Africa ayaa ahaa boqolkiiba 95, oo ah 580,000 oo qof.

Horaantii sanadkan, dalalka Ivory Coast iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo, ayaa sidoo kale billaabay isticmaalka tallaalkan.

Ghana, Kenya iyo Malawi ayaa tijaabiyay tallaal kale oo xanuunka Malaariyada ah.