Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu degaannada Puntland ka bilaawdo talaalka cudurka safmareenka ah ee Covid19, kaas oo dhawaan dowladda Soomaalya gaarsiisay degaannada Puntland.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in tallaalka hal mar laga wada bilaabi doono 40 goobood oo ku yaala 9-ka gobol ee Puntland.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in wajiga koowaad laga bilaabayo Shaqaalaha caafimaadka, Maclimiinta, Ciidamada Booliska, qofka ka weyn 50 sano oo qaba xanuunada macaanka iyo Dhiigkarka.
Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka ayaa shegay in tallaalka oo si lacag la’an ah loo bixin doono looga baahan yahay dadka kor lagu soo xusay inay booqdaan xarumaha talaalka.