Tallaalka Covid-19 oo Gabaabsi Ka Maraya Kenya

0
219

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa Guddiga Tallaallada dalka Kenya Dr Willis Akhwale ayaa sheegay in Tallaalka Covid-19 uu heer gabaabsi ah ka marayo dalkiisa.

Masuulka ayaa sheegay in Kenya ay Covax ka dalblatay 3.5 milyan oo dhibcaha tallaalka ah hase yeeshee la soo gaarsiiyay hal milyan oo kaliya oo hadda gabogabo marya.

Akhawale ayaa sheegay in ay tallaaleen 940.000 oo qof oo Kenyan ah.

2% dadka Kenyanka ah ayaa qaatay wajigii kowaad ee tallaalka Covid-19.

Laamaha caafimaadka Kenya ayaa horay u sheegay in wajiga labaad ee tallaalka uu dalkaasi ka bilaaban doono todobaadka kowaad ee bisha June hase yeeshee ballanqaadkaas ayaa u muuqda mid aan suuragal ahayn xilligan.

Xayiraadaha dowladda Hindiya ay ku soo rogtay waxyaabihii ay dalkeeda ka dhoofin jirtay ayaa loo sababaynayaa in uu wiiqay ololayaasha ka dhanka ah xanuunka Korona ee ka socda dalalka adeegsada tallaal AstraZeneca.

Masuulka u hadlay guddiga tallaallada Kenya ayaa sheegay in shirkadda Johnson & Johnson ay ka dalbadeen 30 milyan oo dhibcood oo tallaalka Korona ah oo ay filayaan in ay dalka soo gaadhaan bisha August.