Taliban oo u hanjabtay ururada shaqaaleysiiya Haweenka.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taliban ayaa sheegtay in ay xiri doonto dhammaan hay’adaha aan dawliga ahayn ee gudaha iyo kuwa ajnabiga ah ee ku sugan Afghanistan ee shaqaaleysiiya haweenka.

Waxay ku soo beegantay laba sano ka dib markii ay u sheegeen NGO-yada inay joojiyaan shaqaalaynta haweenka Afghanistan, iyadoo lagu eedeeyay in aysan si sax ah u xiran xijaabka Islaamka.

Warqad lagu daabacay barta X habeenkii Axadda, Wasaaradda Dhaqaalaha ayaa ka digtay in u hoggaansami la’aanta amarkii ugu dambeeyay ay horseedi doonto NGO-yada inay lumiyaan shatiga ay uga shaqeeyaan Afghanistan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay mas’uul ka tahay diiwaan-gelinta, isku xirka, hoggaanka iyo kormeerka dhammaan hawlaha ay qabtaan hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa shisheeye.

Dowladda ayaa mar kale amartay in la joojiyo dhammaan shaqada haweenka ee xarumahan aysan maamulin Taliban, sida ku cad warqadda.

“Haddii ay dhacdo wada-shaqeyn la’aan, dhammaan howlaha hay’addaas waa la baabi’in doonaa, waxaana sidoo kale la baabi’in doonaa shatiga shaqada ee hay’addaas, oo ay bixiso wasaaraddu,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa isku daygii ugu dambeeyay ee Taliban ay ku doonayso in ay ku maamusho ama soo farageliso howlaha hay’adaha aan dowliga aheyn.

Horaantii bishan, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa dhageystey warbixin ku saabsaneyd tirada sii kordheysa ee haweenka Afghanistan ka tirsan ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada in laga hor istaagay in ay qabsadaan shaqadooda in kasta oo howlaha gargaarku ay weli lagama maarmaan tahay.

Sida laga soo xigtay Tom Fletcher, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobe, saamiga hay’adaha bani’aadannimada ee soo tebiyay in shaqaalahooda dumarka ah ama ragga ah ay joojiyeen booliiska anshaxa ee Taliban ayaa sidoo kale korortay.

Taliban waxay beenisay inay ka joojinayaan hay’adaha gargaarka inay shaqadooda qabsadaan ama ay farageliyaan hawlahooda.