Talaalka cudurka dabeysha oo muddo saddex maalin ah ka socday Dhoobley oo lasoo gabagabeeyay.

0
193

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka dabeysha waa cudur uu sababo Virus, waxa uuna keeni karaa qofka inuu noqdo naafo, waxa uuna ku badanyahay da’da caruurta ka yar 5ta sano.
Cudurkani waxaa sababa Virus loo yaqaanno Polyo Virus,kaasi oo ah mid la kala qaado waxaana lagu kala qaadaa in Viruska uu qofka laqo,

Waxaa jirta labo qodob oo asaasi ah oo looga hortagi karo cudurkani kuwaas oo kala ah talaalka iyo nadaafadda oo aad loogu dadaalo waxa ayna yareyn karaan khatarrada uu leeyahay cudurkani.

Talaalka Cudurka Dabeysha oo mudo seddex maalmood ah ka socday xaafadaha magaalada dhoobley ayaa maanta soo idlaaday kaasoo bulshada inta badan ay ka faa’iideysteen.

Qaar kamid ah bulshada ku nool deegaanka dhoobley ayaa ka warbixiyay saamaynta cudurka dabeesha iyo baahida ay u qabeen talaalka.

Dhanka kale waxaan geestooda waraysi la yeelanay qaar kamid ah dhaqaatiirta bixineysay talaalka iyago ka warbixiyay faa’idada uu leeyahay talaalka iyo sida ay ugu faa’iideysteen bulshada.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya