Tababare Thomas Tuchel oo doonaya inuu Erling Haaland ku soo biiro Chelsea & Blues oo markale suuqa lacag ku bixinaysa

0
208

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Macallinka cusub ee Chelsea, Thomas Tuchel  ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu la soo wareego ciyaaryahanka Kooxda Dortmund ee Erling Haaland.

Thomas Tuchel ayaa la soo sheegayaa in la taageeri doono dhanka suuqa isla markaana waxaa hadda soo baxaya inuu dalbanayo suuqa xagaaga saxiixa Haaland.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in macallinka cusub ee Chelsea, Thomas Tuchel uu indhaha ku hayo suuqa xagaaga inuu u dhaqaaqo saxiixa Erling Haaland.

Tuchel wuxuu u arkaa ciyaartoyda da’da yar sida Tammy Abraham inay yihiin xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxdiisa, laakiin Blues ayay u badan tahay inay markale suuqa qarash-gareyso xagaaga dambe.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Haaland ayaa loo arkaa inuu yahay dookha ugu sarreeya ee kula tartami kara weerarka Chelsea, Abraham iyo dhaliyaha cusub ee Timo Werner.