Tababaraha xulka qaranka Argentina oo sheegay faa’iidada ku jirta in Lionel Messi uu sii joogo Barcelona

0
229

Lionel Messi ayaa maamulka Barcelona ka codsaday inay fasaxaan kooxda, inta lagu gudi jiray suuqii kala iibsiga ee xagaaga.

Lionel Scaloni oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Argantina iyo Ecuador ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan la hadlay Messi, kaddib markii wax walba la xaliyay, waxaana arkay isaga oo deggan”.

“Tan iyo markii uu yimid xerada xulka qaranka Argentina, waxaan awoodnay inaan wada hadal dheer yeelanno, wuu ku faraxsan yahay inuu halkaan joogo, wuxuuna hadda ku fiican yahay kooxdiisa”.

“Waxa kaliya ee aan doonaynay waxay ahayd in wax walba la xaliyo, inuu ciyaaro oo uu si buuxda diyaar u noqdo”.

“Anaga ahaan, xaqiiqdii wuu iska joogay sababtoo ah wuxuu awoodaa inuu si dhaqso leh u ciyaaro”.

“Wuu garanayaa kooxda wuuna jecel yahay, sii joogitaankiisana waxay siineysaa nooc xasilooni ah, hadana wuu faraxsan yahay”.