Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha xulka Portugal, Roberto Martinez, ayaa si weyn u ammaanay xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal, balse wuxuu sheegay in laba ciyaaryahan oo reer Portugal ah ay ka mudan yihiin abaalmarinta Ballon d’Or.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka El Partidazo de COPE, Martinez wuxuu yiri:
“Lamine waa ciyaaryahanka ugu fiican booskiisa, si joogto ahna wuu u wanaagsanaa. Ma jiro ciyaaryahan kale oo sidaas u ciyaara booskaas. Waa in aan taageernaa.”
Si kastaba ha ahaatee, marka la weydiiyay cidda uu filayo inay ku guuleysan karto Ballon d’Or, Martinez wuxuu si lama filaan ah u doortay labo ciyaaryahan oo PSG ka tirsan:
“Vitinha iyo Nuno Mendes waxay iigaga horreeyaan dhammaan ciyaartoyda kale – labaduba waxay si weyn ugu fiicnaayeen heerka kooxaha iyo hab ciyaareedkooda.”
Wuxuu si gaar ah u ammaanay Nuno Mendes:
“Waa daafaca bidix ee ugu fiican ee aan abid arkay. Wuxuu si fiican uga ciyaaraa banaanka iyo gudaha, wuxuu leeyahay xawaare sare iyo baas sax ah. Waxaan u maleeyay in ciyaaryahan dhameystiran uusan jirin, balse Nuno aad buu ugu dhow yahay taas.”
Yamal, oo ka caawiyay Barcelona inay ku guuleysato saddexleyda maxalliga (domestic treble), ayaa dhaliyay 21 gool isla markaana bixiyay 25 caawin 62 kulan oo uu u saftay kooxdiisa iyo qarankiisaba. Wuxuu sidoo kale door weyn ka qaatay gaarsiinta Spain final-ka Nations League.
Dhanka kale, Vitinha iyo Mendes waxay kamid ahaayeen safkii PSG ee qaaday dhammaan koobabkii la heli karay, oo uu ku jiro Champions League-gii ugu horreeyay ee kooxda.