Tababaraha Faransiiska ayaa hore looga waayey Korona Fayras baaritaankii antigens, laakiin waa inuu sugaa natiijada baaritaanka PCR.
Sida laga soo xigano La Sexta natiijada ayaa la rajaynayaa inay soo baxdo saacada dambe ee caawa.
Xitaa haddii Zidane laga waaye caabuqan, waaxda xakameynta xanuunka Korona ee La Liga ayaa ka hor istaagi doona inuu hoggaamiyo kooxda Real Madrid kulanka ay u safrayaan Osasuna habeenka Sabtida.
Sababta Zidane looga hor’istaagayo inuu wajaho Osasuna ayaa lagu sheegay in saddex maalmood kaddib loo baahan doono tijaabo kale, sidoo kale waxa ay ku xiran tahay xilligii ugu dambeeyey ee uu Zidane la xiriiray qofka xanuunkan laga helay.
Haddii uu Zidane laylin waayo kooxdiisa Los Blancos ciyaarta soo aaddan, waxaa kursiga tababaraha soo fariisan doona David Bettoni si uu kooxda u hoggaamiyo kulanka ka dhici doona garoonka El Sadar.
Si kastaba ha noqotee, Real Madrid ayaa qorsheynaysa in habeenka Jimcaha marka ay saacaddu tahay 7:00 fiidnimo xilliga bartamaha Yurub u safarto Magaalada Pamplona, iyagoo horay u sii wadan doona safarkooda sababo la xiriira cimillada xun ee ku habsatay Spain.
Haddii ciyaartu ay ku dhici weyso xilligii la qorsheynayey oo ah 9:00 xilliga bartamaha Yurub ee habeenka Sabtida, waxa ay dib ugu dhici doontaa 12:00 Duhurnimo saacadda Yurub ee Maalinta Axadda.