Tababar ku saabsan dhexdhexaadinta ku dhisan Wada-hadalka Nabdoon oo ka furmay Kismaayo

0
34
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka furtay Tababar ku saabsan dhexdhexaadinta ku dhisan Wadahadalka nabdoon, oo ay ka qayb galayaan oday dhaqameedyada, haweenka, iyo dhalinyarada.
Aqoon kororsigan ayaa diiradda lagu saaraya horumarinta xirfadaha Dhexdhexaadinta ee ku saleysan Wadahadalka nabdoon, si loo xoojiyo isku xirnaanta bulshada, loona taageero nabadda, iyadoo la abuuraayo habab waxtar leh oo xal loogu helo khilaafaadka bulshada dhexdeeda.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya