Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimadka dowlada jubaland ayaa maanta tababarka marwo caafimaad ka bilawday degmada dhobley ee gobolka jubada hoose tababarka marwo caafimaad ayaa aalaba wax lagu baraa dumarka ka hortaga halisaha ku yimaada hooyada iyo dhalaanka.
Tababarka ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha degmada dhobley xassan abdi haanshi oo ay waheliyaan iskuduwaha Wasaaradda Caafimadka degmada dhobley Dr abdi fatah axmed iyo saraakiil ka socday Wasaaradda Caafimadka ee degmada dhobley.
Tababarka ayaa socon doono Mudo 40 Bari ah midkaasoo intuu socdo la rabo in aqoonta gabdhaha kor loogu soo qaado si ay u anfacaan degaanka.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa faah-faahineysa