Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka biyaha dowlada Jubaland ayaa degmada Baladxaawo ku qabatay Tababar ku saabsan baaritaanada tayada biyaha iyo daaweynta ilaha biyaha ee degamda Baladxaawo.
Tababarkani oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha dowlada Jubbaland iyo Ha’ayada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa waxaa ka faa’iideysanaya shaqaalaha hay’adaha fayadhowrka iyo nadaafadda ee ka hawalgala degmada, waxaana looga gol leeyahay ogaanshiyaha xaalada biyaha iyo saameyntii ay reebtay fatahaadii El-nino oo saameyn weyn ku yeelatay ceelasha laga cabo biyaha ee guud ahaan gobolka Gedo gaar ahaan degamda Baladxaawo.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya