Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta Tottenham ee Ryan Mason ayaa lagu qoray taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu noqday tababarihii ugu da’da yaraa ee taariikhda soo mara horyaalka.
Ryan Mason oo si ku-meelgaadh ah loogu magacaabay Tottenham ayaa guul soo hooyey ciyaartiisii ugu horreysay, iyadoo uu kooxda kusoo celiyey jidka guusha oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ay ka maqnayd.
Mason oo beddelay Jose Mourinho oo horraantii toddobaadkan shaqada laga caydhiyey, ayaa waxa uu xalay usoo hooyey saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey iyagoo 2-1 ku garaacay Southampton oo gool kala hor-martay.
Tababarahan ayaa noqday macallinkii ugu da’da yaraa ee Premier League soo mara, waxaanay da’diisu tahay 29 sannadood iyo 312 maalmood, waxaanu saddex sannadood ka yar yahay tababarihii hore u haystay rikoodhka macallinka ugu da’da yar.
Tababareyaasha uu rikoodhadooda jabiyey
Mason ayaa jabiyey rikoodhka tababarihii ugu da’da yaraa oo uu hore u haystay Attilio Lombardo oo isagoo 32 sannadood iyo 67 maalmood jir ah noqday tababaraha Crystal Palace sannadkii 1998kii.
Waxa kale oo uu dhaafay Frank Sibley oo ahaa tababarihii ugu da’da yaraa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska ee heerarka koowaad oo sannadkii 1977kii oo QPR Maamulay ciyaar ay la dheeshay Everton, waxaanu waqtigaas jiray 29 sannadood iyo 308 maalmood, laakiin Sibley ayaan ahayn tababare caadi oo ciyaartaas oo kaliya kooxda layliyey.