Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Brazil ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa uu 5-1 ku xasuuqay Bolivia oo ay iskaga hor yimaaddeen isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaana ismuujiyey da’yarka Real Madrid ee Rodrygo Goes oo laba jeer shabaqa soo taabtay labadii qaybood ee ciyaarta, sidoo kalena ay VAR ka dafirtay in loo diiwaangeliyo saddexlay goolal ah.
Waxa kale oo laba gool oo ahaa kuwii sagootinta dhaliyey Neymar Jr, halka laacibka Barcelona ee Raphinha uu isaguna dhaliyey goolka kale ee xulkiisa.
Brazil oo qorshaheedu yahay inay dib usoo ceshato xasuustii 1994kii ee Koobka Adduunka ay ku garaaceen Talyaaniga oo ay finalka iskugu soo baxeen markii tartankan lagu qabtay Maraykanka ee uu Roberto Baggio khasaariyey rikoodhe murugo ku reebay isla markaana uu Romario dalkiisa gacanta ka saaray koobkan, ayaa waxa bilowday inay haddaba sii diyaarsato booskeeda.
Sababta Brazil ay xasuusta ugu leedahay ee ay isku diyaarinayaan, waa in mar kale Koobka lagu qabanayo Maraykanka, balse waxa la wadaagaya Mexico iyo Canada.
Labada gol ee uu Neymar dhaliyey, ayaa waxay ahaayeen goolashiisii 78aad iyo 79aad ee uu u dhaliyo xulka qarankiisa, waxaana uu sidaas ku dhaafay rikoodhkii goolasha Pele ee xulka dalkaas oo ay u diiwaangashan yihiin 77 gool.