Taageerayaasha Liverpool oo Si Cad U Sheegay Aragtidooda Federico Chiesa Kadib Guushii Southampton

0
89

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa 2-1 kaga adkaatay Southampton si ay ugu gudubto wareegga afraad ee Carabao Cup, balse guushaas kuma aysan imaan si fudud.

Ciyaarta waxaa gool ku furay Alexander Isak, isagoo shabaqa soo taabtay markii uu ka faa’iideystay baas uu Chiesa  dhexda ka qabsaday. Hugo Ekitike ayaa sidoo kale dhaliyay goolka guusha, halka Chiesa uu mar kale bixiyay caawinta.

Tababare Arne Slot ayaa nasiyay xiddigo muhiim ah sida Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Ryan Gravenberch, taasoo fursad siisay Federico Chiesa oo fursado yar helay tan iyo markii uu ka yimid Juventus xagaagii hore.

Inkastoo laga reebay liiska Champions League isla markaana uusan ciyaarin Merseyside derby-gii Everton, taageerayaasha Liverpool ayaa si xooggan u amaanay bandhiggiisii kulanka Southampton.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku tilmaamay Chiesa “mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa qeybtii hore,” halka kuwo kalena sheegeen inuu “soo bandhigay ciyaartiisii ugu fiicneyd intii uu  xirnaa maaliyadda Liverpool.”

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa yiri: “Chiesa wuxuu ahaa mid cajiib ah, wuxuu si cad u doonayaa inuu Slot tuso qiimihiisa isla markaana uu boos ka helo xulka qaranka Talyaaniga ee koobka adduunka.”

Qaar kale ayaa ku daray in Chiesa uu si dhab ah u kasbanayo fursado badan oo gool loo rogi karo, iyagoo ku amaanay shaqadiisa adag, cadaadiska uu saaray difaacyada iyo hal-abuurkiisa.