Taageerayaasha Liverpool Oo Ka Falceliyay Arrin Naxdin Leh oo Uu Guehi Ku Kacay Kadib Ciyaartii Chelsea

0
282

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Crystal Palace ayaa muujiyay inuusan ku faraxsanayn tababarihiisa kadib barbarihii 0-0 ee ay la galeen Chelsea.

Taageerayaasha Liverpool ayaa baraha bulshada ka hadlay kadib markii ay arkeen bartilmaameedkooda suuqa kala iibsiga, Marc Guehi, oo iska indhatiray tababaraha Crystal Palace Oliver Glasner ciyaarta kadib.

Hal todobaad kadib markii ay Crystal Palace ka badiyeen Liverpool Community Shield, Palace ayaa si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedka Premier League, iyagoo barbaro goolal la’aan ah ku qabtay kooxda difaacaneysa koobka adduunka ee ee kooxaha.

Inkasta oo ay ahaayeen kooxda loo saadaalinayay inay guuldarro la kulmaan, haddana Palace waxay heleen fursad ay ku guuleystaan, balse gool uu dhaliyay Eberechi Eze ayaa si muran leh loo diiday.

Markii ciyaarta dhammaatay, waxaa soo baxay warar ku saabsan mustaqbalka Eze kadib markii lagu arkay isagoo u muuqday inuu macasalaameynayay taageerayaasha Palace.

Hase yeeshee, niyad-jabka taageerayaasha Palace kuma eka Eze oo kaliya, kabtanka kooxda Marc Guehi ayaa sidoo kale sii kiciyay wararka xanta ah kadib markii uu iska indhatiray inuu gacan qaado Glasner, taasoo kusoo aaday iyadoo lala xiriirinayo Liverpool.

Warbixinno kala duwan ayaa sheegaya in difaaca Liverpool Ibrahima Konaté uu ka tagi karo kooxda xagaagan, taas oo sababtay in kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ay si weyn ugu baahdaan inay keenaan difaac cusub ka hor inta uusan suuqa xirmin. Giovanni Leoni ayaa noqday difaacii talyaani ee ugu horreeyay xagaagan ee ku biiro Anfield isagoo £26 milyan kaga yimid kooxda Serie A ee Parma, balse heshiiska Guehi weli waa mid suurtagal ah.

Kadib markii muuqaal lagu arkay Guehi oo si cad u diiday inuu gacanqaado Glasner inkasta oo uu u yeeray ciyaarta kadib, taageerayaasha Liverpool ayaa rumeysan inay heli doonaan saxiixa daafaca xulka England.

Taageere Liverpool ah ayaa ku qoray X: Ku soo dhawoow Anfield Marc Guehi!”

Mid kale ayaa si xiiso leh ugu daray: “Waxaad kusoo dhowaaneysaa iskaashiga VVD x Guehi.”
Hal taageere kalena kaftan ayuu ku yiri: “Waxaan isu beddelaynaa Real Madrid cusub.”