Switzerland oo dhaqaalle ugu deeqday Soomaaliya iyo Itoobiya

0
403

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Geeska Afrika waxaa halakeeyay abaartii ugu darneyd ee soo marta taariikhda , Ilaa 10 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan tiro badan oo haween, carruur iyo dad waayeel ah  ayaa wajahaya khatar jirta oo ay sababtay cunto yari daran.

Switzerland oo  aad uga walaacsan abaaraha ka jira gobolka, waxaana ay 10.8 milyan oo dollar ku taageertay Sanduuqa gargaarka abaaraha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Switzerland waxa ay sidoo kale gacan ka geysatay dhaqaalaha la isku geeyey ee Qaramada Midoobay ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo taageera ururada samafalka ee maxaliga ah.

Saddex abaarood oo is xig xiga ayaa sababay biyo la’aan daran oo ka jirta Soomaaliya iyo Itoobiya sida ay sheegtay dowladda Switzerland.

Xoolihii iyo dalagyadii ayaa ka baaba’ay, waxaana aad kor ugu kacay khatarta cudurro iyo nafaqo darro aad u daran. Qoysasku waxay qaadayaan tillaabooyin quus ah si ay u noolaadaan, kumanaan ayaa ka tagaya tuulooyinkoodii  iyagoo raadinaya cunto, biyo iyo dhul daaqsin ah.