Suxufiyadda Christiane Amanpour oo uu Haleelay Xanuunka Kansarka

0
174

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Christiane Amanpour oo ah haweeney weriye ah oo ka howlgasha shabakadda CNN ayaa sheegtay in uu haleelay xanuunka kansarka ilma-galeenka.

Amanpour oo 63 jir ah heysatana dhalashada Ingiriiska ayaa daawadayaasha ku xiran barnaamijyadeeda u sheegtay in ay gashay qalliin caafimaad kaas oo lagu guuleystay iyada oo intaa ku dartay in ay haatan bilaabeyso dawo socon doonta muddo saddex bilood ah.

Haweeneydan oo kamid ah haweenka ugu caansan saxaafadda dunida ayaa tobannaan sano ku howlanayd diyaarinta warbixinno ay ka soo gudbin jirtay dacallada dunida iyada oo si gaar ah ugu fara-dhuudhuubnayd soo tebinta xogaha dalalka ay qalalaasaha iyo xasaraduhu ka jiraan.

Amanpour ayaa ka mahadcelisay in xilli hore ay ogaatay xanuunkeeda si wanaagsan loola tacaalay waxayna sheegtay in ay heysato ceymis caafimaad oo wanaagsan.

Haweenka dunida ayay ugu baaqday in ay il gooni ah ku eegaan xaaladdooda caafimaad.

Kansarka ilma galeenka ayay adagtahay daweyntiisa waxaana lagu tiriyaa nooca todobaad ee kansarka kaas oo dhibaato ku haya haweenka dunida sidoo kalena kansarka ilma-galeenka ayaa kaalinta siddeedaad kaga jira xanuunnada ay u geeriyoodaan haweenka dunida.