Sudan oo looga dhawaaqayo dowlad cusub.

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Suudaan ay yeelato Dowlad cusub, ka dib markii ay si buuxda ciidamada Suudaan gacanta ugu wada dhigeen caasimadda Khartuum.

Madaxa ciidamada Suudaan Cabdel Fattaax al-Burhaan ayaa dhowaan sheegay, in uu soo dhisi doono xukuumad xilliga dagaalka ah oo ay hoggaaminayaan khubaro, taasi oo hoos u dhigtay walaacii laga qabay in militarigu uu talada isku kobo.