Sterling oo Man City ku qasbaya in Real Madrid ay la gasho loolan dhanka suuqa ah

0
150

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahanka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa ku qasbay maamulka kooxda inay loolan toos ah la galaan Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Man City ay eegayso badelka Sterling oo dhawaan la filayo inuu ka tago kooxda ciyaareedka soo socda, waxaana ka mid ah xiddigaha ay bartilmaameedsaneyso Manchester City laacibka Bayern Munich ee Serge Gnabry.

Raheem Sterling ayaa qarka u saaran inuu ka tago Man City oo uu u ciyaaro kooxda Chelsea, laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, City ayaana durba bilowday inay u diyaargarowdo nolosha la’aantiisa iyadoo kor kala socota xaallada Gnabry.

Mustaqbalka Serge Gnabry ee kooxda Bayern Munich ayaa ah mid aan fadhinin, maadaama ciyaartoygu aanu wali aqbalin inuu heshiis cusub la galo maamulka, taasoo ka dhigaysa inuu ka tago suuqa xagaagan, City ayaana la fahansan yahay inay qorsheeneyso inay ka soo wareegto naadiga Bavarianka.

Si kastaba ha noqotee, Serge Gnabry ayaa in muddo ah bartilmaameed u ahaa kooxda Real Madrid, oo dooneysa inay ku xoojisato weerarkeeda xilli ciyaareedka soo socda.