Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka Sporting Francisco Salgado Zenha ayaa sheegay in kooxdu aysan wali wax dalab ah u helin Viktor Gyokeres laakiin waxa uu ku adkeystay in aan lagu qasbi doonin iibinta ciyaartoydeeda ugu fiican.
Gyokeres ayaa hadda ku riyaaqay sanad cajiib ah Portugal, isagoo jebiyey 50 gool, isagoo ka caawiyay Sporting inay ku guuleysato laba koob, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay Yurub.
Waxaa la fahamsan yahay in lacag dhan 66 milyan oo euro ay ku filnaan doonto soo jiidashada Emirates.
Madaxda Sporting inkastoo aysan wali helin wax dalab ah waxayna aad u neceb yihiin inay arkaan ciyaartoydooda ugu sareysa oo ka tagaya caasimada. Sanadihii la soo dhaafay waxa ay lumiyeen xiddigo ay ka mid yihiin Nuno Mendes iyo Manuel Ugarte halka Geovany Quenda uu ka tagi doono xagaagan.
Gyokeres ayaa shaki la’aan noqon doona khasaarahooda ugu weyn laakiin Zenha ayaa ku adkeystay in xiddigooda Swedishka ah uu kula jiro kooxda heshiis wakhti fog ah oo ayna si dhib yar ku iibin doonin.
Zenha ayaa u sheegay suxufiyiinta Portugal: “Waxa uu heystaa seddex sano oo dheeri ah qandaraaskiisa, hadda ma jiraan wax dalab ah, wuxuu heystaa seddex sano oo dheeri ah qandaraaskiisa, waxaan u maleynayaa in jawaabta la siiyay”.
“Waxaan rabnaa inaan sii ahaano kooxda ku guulaysata koobabka isla markaas aan ku guulaysano koobabka sanadaha soo socda, waxana aan doonaynaa in aan sii haysano xiddigeheena”.