Spain vs France: Horudhaca Final-ka ee UEFA Nations League… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee kama dambeysta ah)

0
231

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Waxaa caawa la soo gabagabayn doonaa tartanka UEFA Nations League, kaasoo xulalka qaaradda Yurub ay ciyaaraan labadii xilli ciyaareedba mar, waxaana haatan final-ka isugu soo haray xulalka Spain iyo France.

Dhanka kale xulalka Italy iyo Belgium ayaa galabta wada ciyaari doona kulanka kaalinta saddexaad ee UEFA Nations League, kaddib markii la soo garaacay kulammadii afar dhammaadka tartankan.

Xulka qaranka Spain ayaa soo gabagabeeyey Arbacaddii 37 kulan oo ay guuldarro la’aan (unbeaten) ah ahaayeen xulka ku guuleystay tartanka Euro 2020 ee Talyaaniga kaddib markii 2-1 lagu dubtay.

Dhinaca kale xulka France ayaa khamiistii 3-2 guul soo laabasho ah kaga gaaray dhiggooda Belgium oo labo gool kaga hormaray, inkastoo Belgium laga diiday gool ay dhaliyeen goor dambe, ka hor inta aysan Faransiisku dhalin goolka guusha daqiiqadihii ugu dambeeyey.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Europe – UEFA Nations League Final

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:45 Galabnimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Anthony Taylor (England)

Garsooraha: San Siro

Wararka xulalka:-

Xulalka Spain iyo France ayaa caawa ku wada ciyaari doona garoonka San Siro kulanka Final-ka UEFA Nations League.

Spain ayaa soo gaaray Final-ka tartankan kaddib markii ay 2-1 ku soo garaaceen xulka haysta Euro 2020 ee Italy kulankii afar dhammaadka, waxaana labada goolka u dhaliyey xulka Spain Weeraryahanka Manchester City ee Ferran Torres, halka goolka madiga ah uu Talyaaniga u dhaliyey daafaca Juventus ee Leonardo Bonucci.

Dhinaca kale xulka ku guuleystay Koobkii Adduunka 2018 ee France ayaa ka soo laabtay labo gool oo looga hormaray, waxaana ay Belgium kaga badiyeen 3-2 kulankii afar dhammaadka tartankan.

Yannick Carrasco iyo Romelu Lukaku hoggaanka u dhiibay Belgium, balse goolal ka kala yimid Karim Benzema, Kylian Mbappe iyo Theo Hernandez ayay xulka Faransiisku ku gaareen final-ka tartankan.

Xulka Spain ayaa rajeynaya inay heli doonaan Ferran Torres kulankan kaddib markii garoonka laga saaray jug soo gaartay Italy markii uu labo gool u dhaliyey xulkiisa Arbacadii.

Da’yarka Kooxda Barcelona ee Gavi ayaa si lama filaan ah ugu soo bilowday khadka dhexe kulankii Italy, laakiin waa inuu booskiisa ka helaa kooxda kaddib kulankiisii ugu horreysay oo uu bandhig ilqabad leh soo bandhigay.

Marcos Alonso ayaa la dhihi karaa waa meesha ugu liidata difaaca Spain, sidaa darteed la lama yaabi doono haddii lagu bedelo daafaca bidix.

Faransiiska ayaa ciyaaray kulankii khamiistii saddex daafac, balse macadda haddii Tababare Didier Deschamps shaxdaas ku soo geli doono iyo haddii kale, maadaama uu xulka Spain ciyaari doono 4-3-3.

Aurelien Tchouameni ayaa bedel ku soo galay kulankii dhowaa ee Belgium waxaana lagu beddelay Adrien Rabiot, isagoo isku dayi doona inuu helo booskiisa safka hore ee kulanka caawa.

Theo Hernandez ayaa soo bandhigay daafacasho liidata kulankii ay wajaheen Belgium, laakiin waxa uu dhaliyey goolka guusha, sidaas darted waxaa la filayaa inuu heli doono booskiisa safka hore kulanka Final-ka.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kani waa kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah oo dhex mara labadaan xul tan iyo sanadkii 2013-kii, markaasoo Spain ay ku adkaadeen 1-0.

>- Waxaa xusid mudan in kulankaas 1-0 looga adkaaday Faransiiska uu Paul Pogba qaatay kaarka casaanka ah, waana kaliya kaarka guduudan ee xirfaddiisa xulka loo taagay.

>- Kulankaas waxaa dhanka Faransiiska ugu billowday safka hore  Karim Benzema, Hugo Lloris iyo Raphael Varane, halka dhanka Spain uu safka hore ugu jiray Sergio Busquets.

Safafka macquulka ah ee labada xul:-