Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Spain ayaa waqti dambe guul 2-1 ah ka gaadhay Talyaaniga oo si adag ay ugu dagaallameen midkooda u gudbaya finalka UEFA Nations League oo ay ku sugayso Croatia oo xalay kasoo adkaatay Netherlands.
Joselu ayaa noqday halyeyga Spain u diray finalka, kaddib markii uu dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan tahay uu kubbad kusoo dhacday difaaca Talyaaniga uu ka dul-qaaday goolhaye Gianluigi Donnarumma, taas oo keentay in quus uu noqdo Talyaanigu.
Spain ayaa gool degdeg ahaa kaga nixisay xulka Talyaaniga daqiiqaddii 3aad ee bilowga ciyaarta, waxaana kubbad ay difaacu khalkhaleen ka boobay Yeremi Pino oo xerada ganaaxa la galay isla markaana toogtay dhinaca bidix ee goolhaye Donnarumma oo midig u ruqaansaday.
Spain oo inta badan maamulaysay ciyaarta, ayaa waxay sugtay beddelkeeda ugu dambeeyey oo noqday Joselu oo ahaa ciyaartoyga guushan ku hoggaamiyey.
Weeraryahankan ay Real Madrid amaahda kusoo qaadanayso ayaa waxa uu garoonka soo galay daqiiqaddii 84aad, waxaana afar daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray uu saxeexay goolka guusha ee xulkiisa.
Finalka UEFA Natons League waxa la ciyaari doonaa maalinta Axadda oo Spain iyo Croatia ay midkood calfan doonto, waxaana lagu dheeli doonaa magaalada Rotherdam ee waddanka Netherlands.