Spain Oo Dhulka La Jiid-jiiday, Turkey Oo Lagu Tuntay Iyo Natiijooyinka Isreeb-reebka Euro 2024.

0
127

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Spain ayaa jab weyn la kulmay, waxaana si xun u karbaashay dhiggooda Scotland oo 2-0 ku jiidhay xilli uu wacdaro ka dhigay xiddiga Manchester United oo laba jeer shabaqa soo taabtay labadii qaybood ee ciyaarta.

Tababaraha cusub ee xulka qaranka Spain ee Luis De La Fuente ayaa guul-darradiisii ugu horreysay soo hooyey markii uu isbeddel badan ku sameeyey safkii uu Sabtidii kusoo karbaashay Norway oo ay ka dhaliyeen saddex gool oo jawaab la’aan aha.

Qaybtii hore ayaa waxa xulka Spain gool kaga nixiyey Scott McTominay oo noqday dhaliyaha xulka Scotland, waxaanu goolkaasi niyad-jab ku riday ciyaartoyda Spain oo awoodi waayey inay beddelkiisa keenaan.

McTominay

Fursado badan ayay labada xulba heleen, waxaana Spain la baxsaday goolhaye Kepa oo dhawr kubbadood oo halis ahaa ka badbaadiyey.
Daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta ayaa uu McTominay goolka ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Andy Robertson, waxaanu goolkaasi noqday furaha guusha weyn ee xulkiisa.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay lix daqiiqadood ayuu McTominay gool labaadu dhaliyey xulkiisa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-0.

Xiddigan khadka dhexe ee Scott McTominay ayaa ciyaartii hore ee Sabtidii uu xulkiisu 3-0 ku jiidhay Cyprus, waxa uu dhaliyey laba gool, waxaanay ka dhigan tahay in laba ciyaarood oo isreeb-reebka  Euro 2024 ah uu saxeexay afar gool.

Dhinaca kale, xulka qaranka Turkey ayaa lagu garaacay hoygooda, waxaana 2-0 ku dhirbaaxay dhiggooda Croatia oo marti u ahaa. Laba gool oo uu dhaliyey Mateo Kovacic ayaa Croatia siiyey guushan weyn.

Xasuuq ayaa loo geystay xulka qaranka Yuhuudda, waxaana saddex gool ku burburiyey Switzerland oo ay ku jiraan ciyaartooyo Muslimiin ah, sida Denis Zakaria iyo Shaqiri, inkasta oo laacibkan dambe uu ka maqnaa ciyaartan.