Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.
Daqiiqadii 30-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Fred, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
55 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester United ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Mason Greenwood oo caawin ka helay saaxiibkiis Paul Pobga.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Southampton iyo Manchester United, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka St. Mary’s.
SAWIRRO: