Soomaaliya & Talyaaniga oo Heshiis Cusub kala saxiixday

0
510

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome oo uu safar shaqo ku joogo waxa uu Heshiis Is-afgarad ah kula saxiixday Madaxweynaha Hay’adda Med-Or Leonardo Foundation Mudane Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha Dowladda iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.

Munaasabadda Heshiiskan Is-afgaradka ah lagu saxiixayey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abukar Xaaji.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay Maamulka Gobolka Banaadir ka caawisaa waxyaabo lagu hormarinayo Caasimadda.