Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika.

0
64

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay casriyeyso Tiknology-yadda Gaadiidkeeda, Duulista Rayidka iyo xoojinta Ganacsiga Gobolka.

Maalin-nimadii Shalay, ayaa Magaalada Cotonou ee Caasimada Dalka Benin looga dhawaaqay Ku biiritaanka Rasmiga ah ee Soomaaliya iyo kamid noqoshadeeda Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika (SSATP) iyada oo Munaasabaddaasi uu khhudbad ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Bashiir Macalin Cali Xasan oo hogaaminaya Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka.

Agaasimaha Guud ayaa Carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’antahay Horumrinta Teknoolojiyadda Gaadiidka, Balaarinta iyo Casriyeenta Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Dalka, Sare u qaadista nidaamka Duulista Rayidka iyo xoojinta isku xirka gobolka iyo skaashiga Afrika.