Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku rajja weyn tahay in sanadka 2025-ka ay markii u horreysay bilowdo in shidaal laga qodo Soomaaliya.
Shirkad Turkish ah oo la siiyay saddex xirmo shidaal oo dhinaca badda ah ayay dowladdu sheegtay in ay fileyso in bisha April ee sanadka danbe ay bilowdo qodista shidaalka.