Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Wasiirada IORA.

0
173

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya Balal Cusmaan ayaa wadanka Bangladesh uga qeybgalay shirka 23 ee wadamada ku bahoobay IORA oo ah wadamada wadaaga Badweynta Hindiya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha 2022 ilaa 2027 iyo saameynta Covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha wadamadaan iyo sida looga soo kabanayo.

Inta uu socday shirkaan ayaa wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha debadda XFS Balal Cusman waxaa uu kullan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha debadda dalka Bangladesh DR A K Abul Momen waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Bangladesh, dhinacyada Ganacsiga, in la iska kaashado shirarka caalamiga ah, iyo sido kale deeqaha waxbarashada.

Labada wasiir ayaa isla gartay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safra dalkaasi dalka ku galka Bangalesh laga siiyo gudaha garoomada diyaaradaha dalkaasi marka ay ka dagaan.