Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada & Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.

Shirka oo ka dhacay Magaalada Genève ee dalka Switzerland ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Komishiinka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Portugal.

Ergeyga ayaa diiradda saaray saamaynta ay Isbeddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya, taasoo sababtay abaaro iyo fatahaado joogta ah, isagoo dalbaday in dawladaha wasaqda Isbeddelka Cimilada sababta hawada ku sii daaya ay magdhow iyo maalgelin siiyaan dalalka ay saamaynta ugu badan ku dhacdo oo ay Soomaaliya ka mid tahay, si loo yareeyo khasaaraha iyo dhaawaca ka dhasha Isbeddelka Cimilada.

Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal u jeedkiisu yahay u qareemidda Gurmadka Abaaraha, sidii uu indhaca caalamka iyo deeq-bixiyayaashana ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaarta ka jirta dalka iyo in saameynta Isbadelka Cilimida ee dadkeennu la dhibaatoonayan ay sabab u yihiin waddama hawada wasaqeeya magdhowna looga baahan yahay.