Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka wuxuu kaga qeyb galay furitaanka Shirka Sanad laha ah oo ay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo lagu qabanayo Magaaladaas.
Shirkaan ayaa la qabtaa Sanad hal mar waxaana kasoo qeyb gala Wasiiradda Maaliyadda dalalka ku mideysan Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, iyadoo diirada lagu saaro wixii howlaha ee qabsoomay iyo kuwa aan qabsoomin intaba.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shirka ka jeeddiyay khudbad uu kaga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya iyo halka ay u mareyso dadaalka loogu jiro in deymaha laga cafiyo Soomaaliya.
Wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Intuu socday shirka Mas’uuliyiinta Hay’addaha lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, waxaana ay dood ka yeesheen barnaamijyada Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.