Soomaaliya oo ka qeeyb gashay shir ka furmay Dalka Switzerland

0
134

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah  ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo maanta oo ay bisha May tahay 23 ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay “ Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa magalada Geneva.

Wafdiga ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay shirka kusoo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caafimaadka Dalka.

Guulahan oo noqday kuwo tusaale looga dhigi karo wadamo baddan oo ku yaala dunida kuwa ku jira wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa Soomaaliya ka dhigaya wadan sameeyay is bedallo la taaban karo ee dhanka Nidaamka Caafimaadka.